|
Moqdisho,(insidesomalia.org)- Iyadoo weli uu taagan yahay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha iyo Ra段isal Wasaaraha Soomaaliya oo salka ku haya Xil ka qaadistii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa waxaa khilaafkaas qoraal ka soo saaray Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre.
Xeer ilaaliyaha oo qoraalkiisa ku tix raacayay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra段isal Wasaare Nuur Cadde oo xilka looga qaaday Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo wareegto kale oo ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Cbdullaahi Yuusuf oo xilka qaadistaas lagu diidayay ayaa wuxuu sheegay in wareegtada ka soo baxday Xafiiska Ra段isal Wasaaraha ay ahayd mid aan sharci ku fadhin.
Xeer Ilaaliyaha wuxuu ku sheegay qoraalka uu soo saaray in Qodobka 44aad farqooyinkiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ay dhigayaan in madaxweynaha kaliya uu sharci u leeyahay in uu wax magacaabo, waxna xilka qaado, halka uu sheegay in Ra段isal Wasaaraha uu leeyahay soo jeedin oo kaliya.
Waxaa kale oo uu Xeer ilaaliyaha soo daliishaday Qodobka 85aad ee Dastuurkii 1960-kii, kaasi oo uu sheegay in uu xusayo in madaxweynaha kaliya uu wax magacaabi karo, Ra段isal Wasaarahana uu leeyahay kaliya soo jeedin.
Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Cabdullaahi Daahir Barre ayaa sheegay in uu qoraalkan soo saaray kadib markii uu sida uu yiri uu ka codsaday Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf in ay ka hadlaan sharci ahaanshaha waxyaabaha ay isku hayaan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra段isal Wasaaraha.
|